Skip to content

Press Release

SIGF Officially Joins the Global IGF

Mogadishu, 9 November 2025

A participant speaks during a session at the Somalia Internet Governance Forum
Press Release

Presented in the original Somali, as issued by the organizing team.

Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya (SIGF) si rasmi ah ugu biirtay Madasha Caalamiga ee Hab-maamulka Internet-ka (Global IGF)

Muqdisho, 9-da Nofeembar 2025 — Madasha Caalamiga ee maamulka Internet-ka Soomaaliya (Global IGF) ayaa si rasmi ah u aqoonsatay madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somalia Internet Governance Forum) taas oo calaamad muhiim ah u ah dadaalka Soomaaliya ee dhisidda hab-maamul internet oo daahfuran, iskaashi leh, islamarkaana loo dhan yahay.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Global IGF ayaa lagu xaqiijiyey in hannaanka aqoonsiga si guul leh loo dhammaystiray, isla markaana Soomaaliya si rasmi ah loogu daray liiska dalalka leh madasha Hab-maamulka Internet-ka ee la aqoonsan yahay. Xafiisku waxa uu xusay in Madasha Soomaaliya ay ku dhisan tahay mabaa’diida guud ee IGF oo ah mid furan, aan ganacsi ahayn, loona dhan yahay dhammaan daneeyayaasha.

Aqoonsigan waxa uu Soomaaliya ka dhigay mid ka mid ah dalalka si buuxda u aasaasay Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee qaran, taas oo xoojinaysa dadaalada dalka ee kor u qaadista wadatashiga iyo iskaashiga ku saabsan siyaasadaha dhijitaalka ah. Madasha SIGF waxa ay leedahay Guddi Hawl-wadeeno ah oo kala kala yimid dhammaan daneeyayaasha kala duwan (Multistakeholder Taskforce) oo ka kooban toban xubnood oo ka kala socda dowladda, shirkadaha gaar ka loo leeyahay, bulshada rayidka, iyo jaamacadaha, taas oo muujinaysa kala-duwanaanta iyo ka-qaybgalka ballaaran ee kor u qaadaya dadaallada isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.

Agaasimaha Ururka dallada ururada Bulshada ee SONSA, Mudane Maxamed Cadceed Cali, oo ka hadlay aqoonsiga ayaa yiri: “Tallaabadan waxa ay muujinaysaa dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhijitaalka Soomaaliya si loo helo internet loo dhanyahay.”

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa hambalyo u diray madasha SIGF ee Soomaaliya, isaga oo caddeeyey sida Hay’adda uga go’an tahay taageerida wada-hadallada lagu horumarinayo dhijitaalka oo loo dhan yahay:

“Aqoonsiga Madasha IGF ee Soomaaliya waa markhaati muujinaya horumarka laga sameeyey dhisidda kalsoonida, iskaashiga, iyo mas’uuliyadda wadajirka ah ee hab-maamulka Internet-ka. Hay’adda waxa ay sii wadi doontaa taageerida madashan si loo xaqiijiyo aragtida guud ee Soomaaliya oo dhijitaal ah, ammaan ah islamarkaana loona dhan yahay.”

Madasha Maamulka Internet-ka Soomaaliya (www.sigf.so) waa madal qaran oo isu keenta daneeyayaasha kala duwan, sida dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka, iyo jaamacadaha, si ay ugu falanqeeyaan arrimaha muhiimka ah ee hab-maamulka Internet-ka, sida dhijitaalka loo dhanyahay, amniga Internet-ka, maamulka xogta, iyo garaadka macmalka ah (AI).

Aqoonsigan cusub waxa uu Soomaaliya ku xirayaa shabakadda caalamiga ah ee madasha Hab-maamulka Internet-ka ee ay ku mideysan yihiin in badan 150 dal, taas oo fursad u siinaysa dalkeenna uu codkiisa iyo khibraddiisa ku biiriyo doodaha caalamiga ah ee qaabeynaya mustaqbalka dhijitaalka.